Dowlada Soomaliya oo beenisay Ciidamo la sheegay in ay ka soo horjeedaan Doorashada Dalka

Muuqaal lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan Guadaha Caasimada Muqdisho.

Wasiir ku Xigeenka warfaafinta Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha mid banaan” ayuu yiri Al-cadaala.

Hadalka wasiirka ku xigeenka ayaa imaanaya, iyadoo Maal Mihii la soo dhaafay shaqsiyaad caan ah ka ah Baraha Bulshada iyoTelefeshinada maxaliga ah qaarkood ay faafiyeen wararka ah in Ciidamo lagu aruuniyo Duleedka Caasiamda, kuwaasi oo ka soo horjeeda Dowlada Soomaliya