Wafdi caalami ah oo Shiinaha u tegaya baaritaan Caafimaad

Wakiillo ka socda Hey’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO, ayaa lagu wadaa in ay toddobaadkaan gaaraan Shiinaha, si ay u billaabaan baaritaan ku aadan halka asalka cudur sidaha Coronavirus.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka Dowladda Shiinaha, ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay, in khubarro ka socda WHO ay tagi doonaan Shiinaha Khamista soo socoto, khubarrada ayaa la kulmi doona dhiggooda Shiinaha.

Wali lama oga in khubarrada caafimaad ee ka socda Qaramada Midoobay ay tagi doonaan magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha, oo ah hali ugu horreysay ee uu kasoo billowday virus-ka dhammaadkii sannadkii 2019.

Tan iyo marki Coronavirus ka billowday Shiinaha, malaayiin qof oo ku nool daafaha caalamka ayuu xanuunka ku dhacay, halka ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof oo kale.