Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Musharixiinta Mucaaradka iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul gobaleedyada Dalka

Iyadoo shir xalay ilaa iyo Manta uu u socday Musharixiinta Mucaaradka Dowlada ayaa waxaa ka qayb ka shirkaasi Madaxwaynayaasha Maamulada Galmumud Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Musharaxiita oo diidan in dalka ay dhacdo Doorsho, islamarkaana ka walaacsan ayaa soo jeediyey in la badalo qaar katirsan Xubno kamid ah Gudiga Doorshada, iyadoo ay u tanaasuleen Madaxda oo ugu horeysa Xukumada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laguda galo doorashda dalka, si waqtiga looga lumin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aan la marin habaabin Bulshada, balse Xubnaha mucaaradka ayaa dalbaday in ay qayb ka noqodaan si Doorashadu u ahaato mid daah furan.

Ra’iisul Wasare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed ayaa sheegay in Dowlada ay diyaar u tahay in tabasho kasta ay diyaar u yihiin in wax laga qabto, balse xubnaha mucaaradka ayaa u muuqda kuwa aan garayn waxa ay dalbanayaan.

Warka lagu kal soonaan karo oo idaacada Sareeye Fm ay heshay ayaa sheegaya in saxdexda hogaamiye ee Maamulada Galmudug, Hirshabeele, iyo Koonfur Galbeed, ay way diiyeen waxa ay tabanayaan Musharixiinta Mucaaradka, islamarkana ay soo jeediyeen in qaar ka tirsan Xubnaha la badalo, balse aysan aqoonin shaqsiyaadka ay tuhmayaan.