Ergayga gaar ah oo kulomo kawada Magalada Muqdisho, ilamarkaana kulan laqqatay Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa uu kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha Doorashooyinka dalka, islamrkana ay tahay in ay noqoto mid daah furan, waqtigeedana ay ku dhacdo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan oo bilaabay in uu si kala gooni gooni ah ula kulmo Madax kala duwan ee dalka si uu ugala hadlo arrimaha ka tagaan Doorashada ayaa horey ula kulmay Madaxwaynaha Galmudug oo ay kawada hadleen Doraashada Dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa wada kulamo kuwaasi inta badan looga hadlayo sidii dalka oga dhici lahyd Doorasho Waqtigeeda ku dhacdo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Jemes Swaan uu kulamo laqaato madaxda Maamul Gobaleedyada Putalaand iyo Jublaand, kuwaasi oo hada hortaagan in dalka Doorasho ka dhacdo, iyagoo marin habaabinaya Shacabka Soomaaliyeed