Madaxwayanah Galmudug oo kulan kula qaatay Muqdisho Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, iyada oo wali ay kacaga jiidayaan, soo Magacaabista Gudiga doorashada Maamulada Jublaand iyo Putlaand.

Maanta oo ay ku beegan tahay 5-ta bisha Janaayo sanadka 2021-ka ayaa la filayey in la qabto codsiyada musharraxiinta u taagan Golaha Aqalka Sare, sida ku cad jadwalka doorashooyinka oo sidoo kale 29-kii bishii la soo dhaafay uu is-bedal ballaaran ku yimid.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn loo asteeyey inay dhacdo 7-14 Janaayo, balse weli uma muuqato in la qaban karo, maadaama ay ka harsan tahay labo cisho, islamarkaana aan la diiwaan-gelin musharraxiinta u taagaan xubinimada Aqalka Sare