Hogaamiyaasha Jubalaand iyo Putlaand oo Diiday in ay ka qaybgalaan Shiirka Samareeb ee Xarunta Galmudug

Iyadoo dhamaan Madaxda Dowlada Fadraalka Soomaliya, iyo Dowaldadaha Xubanaha ka ah Faderaalka, ay ku sugan yihiin Magalada Samareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug, ayaa waxaa loo madalsanaa xalay in uu dhaco Shirka Samareeb 4, islamarkana looga arinsado arimaha Doorashada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dowalda Faderaalka Soomaliya Cusamaan Abuukar Dubbe, oo warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in shirka dib u dhacay, isamarkana ay ka maqan yihiin Madaxda maamulada Jubalnaad iyo Putlaand, kuwaasi oo ku sugan Goobta shirka uu ka furmaayo.

Warika Warfaafinta Dowalda Sooomaliya, Duube ayaa ugu baaqay in ay ka soo qaybgalaan Shirka Siciid Dani iyo Axmed Madoobe, si Dalka Doorasho u aado, iyadoo laga dheeraanayo qaala-laase siyaadeed.

Axmed Madoobe iyo Dani oo goobta ku sugan ayaa wada marmarsiyo ay ku doonayaan in waqtiga laga sii lumiyo madaxda, iyadoo qorsha uu ahaa in maata la soo gaba-gabeeyo shirka.

Xogo dheeraad ah oo ay ka heshay Sareeye ilo ku dhow Axmed Madoobe iyo Dani ayaa noo cadeyey, in labadooda ay ka tashanayaa, sidii loo badali lahaa heshiiskii 17kii September, islamarkana ay isku garabsanayaa, qodobo dheeraad ah in lagu daro, kuwaasi oo ay u adeegsanayaan Dano qaas u ah. Islamarkana ay ku doonayan in Ciidamada laga soo sasro Gobalka Gado.

Sidoo kale xogaha ay heshay Sareeye ayaa intaasi ku sii daraya in labdaan hogaamiye, uu yahay damacooda in waqti dheeri ah lagu qaato shirka Samareeb, si ay u jabiyaan baaqa shirka oo loogu talagakay Saddex maalmaaod oo ay maanta u dambayso.

Si kastaba ahaate wasiirka duube ayaa sheegay in maanta uu furmi doono shirka, iyadoo aan la ogayn in ay ka qaybgalayaan iyo in kale