Wasarada aminiga oo go’aan ka soo saartay hubka lala galo Garoonka diyaaradaha ee Adan Cad

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu joojinayo hubka lala galo garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, iyadoo la ilaalinayo amaanka Garoonka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa lagu macneyey sababaha inay ku timid sare u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde, kaasi oo markii hore la lagali jiray hubka.

Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale qoraalkan faahfaahin uga bixisay cidda loo oggol yahay in ay hubka la geli karaan garoonka diyaaradaha Aden Cadde.

“Waxa kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada.

Tani ayaa ka dhigan in ay meesha ka saari doonto isku dhexyaaca Ciidamada ay wataan musiliyiinta kala duwan ee garoonka dhexdiisa hubka lagalayey in ay meesha kasaari doonto