Libya oo xabsi la weeraray ka sii deeysay dad muhaajiriin ah

Mas’uuliyiin sar sare ayaa sii daayay muhaajiriin iyo qaxooti ku jiray xarunta xabsiga dhexe ee Tajoura, oo u dhow Tripoli, kaas oo la weeraray todobaadkii hore, sida ay sheegtay. hay’adda qaxootiga ee UNHCR
In ka badan 50 qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen weerarkaan oo lagu eedeeyay ciidamada hawada ee daacada u ah dagaal oogayaasha


inta ugu badan dadkaani ayaa ka soo jeeda dalalka africa waxaana sida la cadeeyey ay doonayeen in ay galaan dalalka yurub ayagoo u maraya dalka Libiya oo ah meesha badanaa ay muhaajiriintu ka galaan yurub.


Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegatay in masuuliyyinta dalkaais ay u ogalaadeen qaxootigan in ay xoroyadooda dib u helaan sidoo kalana ay u laabtaan dadalka ay ka soo jeedaan


Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 260 oo ka tirsan dadka xabsiga laga soo saaray loo raadin doono meelo ay ku noolaadaan oo ay xor u yihiin in ay ka soo baxaan marka ay doonaan iyo in ay meelo aadaan waxaana dadkaan la sheegya in haatan ay yihiin kuwa xoriyadooda dib loogu soo celiyey waloow la dajinaayo sida Hay’adda sheegtay xabsiyo kale oo ka duwan kuwii ay horay ugu noolaayeen