Mid kamid ah Wasiiradii hore Maamulka Jubalaand oo ku eedeeyey Axmed Madoobe in uu damacsan yahy in hoos geeyo Maamulkaasi Kenya

Wasiirkii Hore xanaanada Xoolaha Maamulka Jubalaand Maxamed Nuur Buule, ayaa ku eedaey in Axmed Madoobe uu u ololayaneyey Sanadii dambe in Jublaand lagu wareejiyo Kenya, islaamarkaana la hoosgeeyo Maamulkiisa.

Waasirkii hore Maxamed Nuur, ayaa ku eedeyey Axmed Madoobe in uu rabo in Maamulkaasi laga maamulo Xukumada Kenya, islamarkaana uu noqdo Gobal kamid ah dalkaasi.

Maxamed Nuur ayaa intaasi raaciyey in Axmed Madoobe uu dhalin yaro tabar uugu qaaday Mandheere kuwaasi oo halkaasi tabar loogu samanayo, kadibna ay wereer ku qaadan Ciidamada Xooga dalka Sida hadalka uu dhigay.

“Aniga, labada Madaxweyne ku-xigeen iyo labo wasiir ah ayuu Axmed Madoobe inoo yeeray xilli subax ah, wuxuu nagu yiri, nimanyahow aan kasii jeesano Soomaaliya oo aan usii jeesano Kenya oo ku darsano. Inta uusan hadalka dhammayn ayaan kacay, waxaana ku iri, Axmedow, anaguna waxaan raadinayay siidi loo soo celin lahaa Waqooyi Bari, adigana waxaad na leedahay aan Kenya raacno. Wuxuu igu yiri, adigoo nool inay janno nolasha kuugu timaadaan rabaye ee macsalaama waxba laguma fahansiin karee, fadhigiiga waa nooga kacay” wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha ee Jubbaland. ayaa yiri.

Waxuu tilmaay Waasirka in Amarka Axmed Madoobe qofkii kasoo horjeesta, uusan ku noolaan karin Kisaamyo, isagoo ku sababeeyey, in dadka ka aragtida duwan laga sooma-saafurinayo, islamarkaana lagu hanadadayo inta uu ku sugan yahay Kismaayo.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo shacabka Soomaaliyeed qaar katirsan ay horey ugu eedeyeen Axmed Madoobe in uu ku hawlanyahay, in uu kuwareejiyo Kisaamayo, Xukumada Uhuuraha oo Soomaaliya ku haysta dhulka iyo Bada intaba, iyadoo garab ka helaysa Madax Soomaaliyeed oo u shaqeeya, islamarkana iib gaynaya dhulka iyo bada intaba