Halkee ku dambeeysaa xaalda Neymar iyo madaxda sare ee kooxda oo ka hadlay

Agaasimaha ciyaaaraha kooxda Paris Saint-Germain  Leonardo ayaa soo jeediyey in kooxda Paris Saint-Germain ay ka fiirsan doonto dalabyada kala duwan ee xagaagaan ka imaanaya xidgiga Neymar Jr 

Kadib laba sano oo uu kusugnaa garoonka Parc des Princes, ee kooxda Paris Saint-Germain ninka ree Brazil ayaa isha ku haaya in u gabi ahaanba faarujiyo Parc des Princes xagaaga soo aadan asigoo doonaya in uu dib ula midoobo weeraryahanadii horee ee nadiga Barceloona ee Suarez iyo wiliba Messi

Naadiga kubada cagta ee PSG ayaa shalay ku dhawaaqday in ay ciqaabi doonaan xidigaan ka dib markii uu soo xaadiri waayey tababarka kooxda oo shalay si rasmi ah u bilaawday kaas oo ay isugu diayaarinayaan sanad ciyaareedka soo aadan

“Wax walbo waa iska cadyihiin lkn hal wax aan la iloobi karin ayaa ah in uu sedex sano oo heshiis ah uu halkaan kuhaysto .”

“ilaa iyo hada ma helin wax dalb ah oo ku aadan xidigaan oo ah qiimo macquul ah balse Barcelona waa ay noosheegtay in ay doonayaan saxiixa xdigaan waloow aan laysku afgaran dalabkaas.” ayuu yiri Leonard .

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay raadineeyso wadaddii ay dib ula soo wareegi leheed Neymar Jr kaas oo kooxda ku sugaa 2013 ilaa 2017.