Shirkii Garowe: Qodobada lagu heshiin la’ yahay.

GAROWE, SOMALIA-(SAREEYE) – Maamul goboleedyada iyo dowlada federalka oo ku shirsan garoowe ayaa weli heshiis gaari la’.

Dowlad goboleedyada oo uu hogaan u yahay Saciid Dani, madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa la yimid shuruudo cusub. Shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah:

  1. In Madaxweynaha uu soo wareejiyo awooda Arimaha dibada. Kuna soo wareejiyo Maamul goboleedyada.
  2. In heshiiskii Shidaalka ee lagu saxiixay Shirkii maamul goboleedyada dib loogu noqdo.
  3. In doorashada “Qof iyo Cod” ay golaha wasiirada ansixiyeen laga noqdo. In doorasho qof iyo codkiis lagu badalo xildhibaano ay soo xulaan Maamul goboleedyada.
  4. In Madaxa Maamul goboleedka Galmudug Axme Ducaale Geele (Xaaf) loo kordhiyo labo sano; Lana baajiyo doorashooyinka Galmudug soo socda bish October 2109.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *